Xafladdii Ardayda Dugsiyada Sare ee Stockholm 2023

Maalintii shalay oo Axad ahayd taariikhduna ahayd 2/7/2023 ayaa waxa ka qabsoomay hoolka weyn ee Rinkeby folkets hus xaflad ballaadhan oo loo qabtay ardayda dugsiyada sare dhammaystay ee magaaladan Stockholm. Xafladdan waxa soo abaabulay oo ka soo shaqeeyey Jaaliyadda Badda Cas oo fadhiggeedu yahay caasimada Iswidhan ee Stockholm.

Waxa goobta joogay 25 arday oo ku lebbisnaa koofiyada ay caanka ku yihiin dugsiyada sare kolka ay dhammeeyaan sannad-dugsiyeedkooda. Waxa caado u ah inay koofiyadda kor u tuuraan oo ka dhigan; waan dhammeeyey dugsigii sare. Waxa barnaamijka la furay 16:00 waxaana uu socday ilaa 19:30

Maxamed Xirsi Guuleed

Waxa goobta soo cammiray waalidiin, walaalo iyo asxaab u timi ka qaybgalka xaladdaas lagu maamuusay ardayda. Waxa goobta ka hadlay dad badan oo dhammaantood talooyin siiyey ardayda. Furitaankii barnaamijka waxa furay guddoomiyaha Jaaliyada Sayid-Axmed M. Yuusuf, waxa hadalladii ku habboonaa ardayda goobta ka jeediyey madaxa sare ee Ibn Rushdi Stockholm iyo uppsala, Cabdiwahaab Jirde, Shamso Cali oo xisbiga bidixda ee Vänsterpartiet u fadhida Skärholmen, Muuse-Dalmar oo ah qoraa, ahna turjumaa buugaag badan u turjumay afsoomaali, Xamse cabdi Jibriil ayaa isaguna dhanka waxbarashada kala hadlay ardayda.

Ugu danbayn, waxa halkaa mahadnaq iyo waano ka soo jeediyey Farxiya Dacar iyo Maxamed Xirsi oo ka mid ahaa waalidiintii ka soo qaybgashay xafladda. Anigoo ku hadlaya magaca guddida Badda Cas waxaan u mahadnaqayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda naga oggolaatay in aannu xafladdaa u samayno. Dhammaan ka soo qaybgalayaashii goobta camirayna aad bay u mahadsanyihiin. Dhallinyaradii shaqaynaysay, waalidkii iyo dhammaanba anigoon kala reebin waa mahadsantihiin.

Liiska Ardayda Dugsiyada Sare ee Stockholm (2023)

  1. Hoodo Mustafa Mohamed
  2. Adna Mohamed Hirsi(case)
  3. Summaya Nuux Ismaaciil
  4. Xirsi Maxamed Xirsi
  5. Axmed X Meygag
  6. Sahra Nasir
  7. Nacima Nasir
  8. Khaalid Cali
  9. Zakarie Axmed Yuusuf
  10. Muna Axmed Yuusuf
  11. Xamda Khadar Axmed
  12. Rahma Mohamed Ismail
  13. Hamse Hassan
  14. Yusuf Khalid Ali
  15. Hafsa Tayib Ibrahim
  16. Huda Mahamoud Hussen
  17. Adna Hassan Aden
  18. Said Abdillahi Haji Hassan
  19. Yahya Ibrahim
  20. Sabrin Meygaag
  21. Samsam Khalid
  22. Rahma Abdirahman Said
  23. Sidiiq Maxamed Ibrahin
  24. Cabdiqani Maxamed
  25. Maxamed Faysal

Diyaariye: Sayid-Axmed M. Yuusuf

Stockholm, 03-07-2023 Isniin