URURKA BADDA CAS AYAA BARNAAMIJ DALXIIS IYO AQOONKORODHSI ISUGU JIRA U QABTAY WAALIDIIN IYO CARRUUR TIRO BADAN

Foto: Sumaya Noah

Maalintii Salaasada ee taariikhdu ahayd 8/8/2023 ayaa loo ballansanaa safar loogu talagalay carruurta da’doodu ka weyn tahay 13 jir. Fasaxan oo ay soo diyaarisay Jaaliyadda Badda Cas ayaa ahaa kii labaad ee ay Jaaliyaddu qabanqaabiso. Markay saacaddu ahayd 18:00 ayaa baskii loogu talagalay inuu qaado carruurta iyo waalidkaba uu ka dhaqaaqay xaafadda Rinkeby; wuxuuna ku hakaday xaafadda Skärholmen oo uu qayb kale ka qaaday. Goobta loo sii diyaariyey oo ahayd Philipsonska Gård oo ku taalla magaalada Strängnäs ayaa loo hoyday laba habeen.

”Carruurta iyo waalidiintaba waxa loo diyaariyey hurdadii, cuntadii iyo ciyaaro fudud oo lagu maaweeliyo. Waxa intaa u dheeraa casharro wacyigooda dhisaya oo ay soo diyaariyeen dad aqoon fiican u leh”, Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaaliyadda Badda Cas Sayid-Axmed M. Yuusuf.

Foto: Sumaya Noah

nkasta oo ay hawadu roobbanayd, laakiin xilliyada qaar ayaa bannaanka lagu ciyaarayay, Carruurta iyo waalidkuba waxay ka heleen goobta oo aad u qurux badnayd. Waxyaabaha la tebey ama ka baaqday waxa ka mid ahaa dabbaasha oo qalabkeedii ay soo qaateenn carruurtu, laakiin hawada awgeed aan lagu dhiirran biyaha geliddooda oo aad qabobaa.

Mar uu ka hadlayay Guddoomiyuhu ujeedada laga lahaa hawshan ay jaaliyadda Badda Cas diyaarisay. Waxa uu yidhi: Haa, waa muhiim in sidan loo kulmo oo waxa ku jirta isbarasho guud, aqoon korodhsi, waaya-aragnimo iyo isku xidhnaanta xubnaha jaaliyadda oo muhiim ah.

Shalay oo taariikhdu ahayd 10/8 /2023 oo ku beegnayd maalin Khamiis ah ayay dib ugu soo noqdeen magaalada Stockholm. Dhawr qof oo aan wax ka weydiiyey siday u arkaan fasaxaa ay labada maalmood qaateen ayaa ii sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin. Waxay aad u xoojinayeen in maalmaha la badiyo, ciyaaraha fududna la kordhiyo; tusaale ahaan waxay carrabaabayeen in toddobaad dhan lagu maqnaan karo meelahaas oo kale.

Foto: Sumaya Noah

Ururka Badda Cas ayaa ah mid ka dhisan magaalada Stockholm, waxaana la aasaasay sannadkii 2003. Ururkan ayaa u taagan iskuxidhka bulshada iyo sidii aqoontooda kor loogu qaadi lahaa. Ururka Badda Cas waxa uu carruurta Soomaaliyeed u qabtaa barnaamijyo kala duwan oo isugu jira sidii waxbarashada looga caawin lahaa iyo sidii loogu abuuri lahaa deegaan xasilloon oo ay carruurtu ka heli karto madadaalo iyo in la dhiso jidhkooda iyo garaadkoodaba. Waxa kale oo uu ururku xubnaha waalidiinta ah u qabtaa kulamo aqoon korodhsi ah oo kor loogu qaadayo aqoontooda ku aaddan kaalintooda waalidnimo iyo sidii loo horumarin lahaa barbaarinta jiilka soo koraya.